Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 12, 2015

1
Askari Israel ah oo dhacay, intii lagu guda jira isku dhac dhex maray askarta Israel iyo Falastiiniyiin, meel u dhow deegaanka Bet El oo ku dhow magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.

2
Baabuur ay hareereeyeen Ido kasoo laabtay cows cunid, duleedka magaalada Tbilisi ee dalka Georgia.

3
Qof sawir iska qaadaya, gobolka Heilongjiang ee dalka China.

4
Ubax iyo diyaarad qumaati oo toy ah oo la dhinac dhigay darbi lagu qoray magacyada askartii Mareykanka uga geeriyooday dagaalkii Vietnam, magaalada Washington DC.