Ururka Ahlu Suna Waljameeca oo dhawaan sheegey in nin la yiraahdo Maxamuud Cartan Cadaawe Culusow uu ahaa ninka isku Qarxiyay Magaalada Dhuusamareeb maalmo ka hor ayaa ninkaas oo jooga magaalada Muqdisho iyo eheladiisaba waxey beeniyeen inuu ku lug lahaa qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacey magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kalane Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG Somalia ayaa iyaguna arintaas si weyn u beeniyey.
Hadaba Xildhibaan Cabdule Faarax Xirsi Cawooley oo jooga Magaalada Muqdisho kana mid ah ehalada ninkaas ayaa Idaacadda VOA ay khadka telefonka kula xiriirtay oo ka wareysatay sida arrintu tahay.
Wareysiga oo dhan hoosta ka dhagesyo.