Ciyaarta hore oo dhexmartay kooxaha Netherlands iyo Denmark, ayaa waxay ahayd ciyaar xiiso badan oo weerar iyo weerar celis ahayd. 90-kii daqiiqo waxay ku soo afjarantay 2-0, waxaana guushii ay ku raacday kooxda Netherlands.
Ciyaarta labaad waxaa fooda is-daray labada kooxood ee Japan iyo Cameroon. Kooxda Cameroon ayaa ciyaartaasi loogu awood sheegtay, waxaana gaba-gabadii ciyaartii ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay Japan ku adkaatay.
Kooxaha Netherlands iyo Japan ayaa group-ka E ku horeeya, waxayna labada kooxood haatan haystaan min 3 dhibcood.