Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NATO oo soo afjareeysa Howlgalkeeda Libya


NATO oo soo afjareeysa Howlgalkeeda Libya
NATO oo soo afjareeysa Howlgalkeeda Libya

Nato ayaa sheegtay in todobaadka soo socda uu ku egyahay howgalkii mudada todobada bilood ah ay ka waday Libya

Gaashaan buurta NATO ayaa sheegtay ineey soo afjareeyso howlgalkeeda milatari ee muddada todobada biloodka ah ay ka waday dalka Libya

Wasiir ka socday dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa Shalay oo jimca aheyd ansixiyay Qaraar soo gabagabeeynaya howlgalka Libya todobaadka soo socda.

Cod ay qaraarka u qaadeen, ayeen Nato soo saartay, go’aan horu dhac ah oo qeexaya in howlgalkeeda ay soo gabagabeeyneeyso 31 ka bishan October

Hogaamiyaasha maamulka KMG ah ee Libya ayaa ku booriyay isbaheeysiga inuu balaariyo howlgalkiisa ilaa iyo dhamaadka sanadkan, sababo la xiriira walaac ay ka qabaan dhinaca amaanka

Dhinaca kale , Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa sheegay in xiriir aan rasmi aheyn lala sameeyay Seif al-Islam Gadhafi, oo ah wiil uu dhalay hogaamihii geeriyooday ee Libya Moammar Gadhafi, kaasoo haatan baxsad ku jira.

Dacwad oogaha Luis Moreno-Ocampo ayaa sheegay in dad dhex dhexaad ka ah arinta ay xiriir la sameeyeen Seif al-Islam Gadhafi, si eey ugu xaqiijiyaan inuu heli doono xukun Cadaalad ah

XS
SM
MD
LG