Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nairobi: Shirka Wadatashiga oo Socda


Nairobi: Shirka Wadatashiga oo Socda
Nairobi: Shirka Wadatashiga oo Socda

Shirka wadatshiga ee arrimaha Somalia ayaa wali ka socda Nairobi. Shirkan oo ay ka qeybgalaan ergo kale duwan ayaa caawa la filayaa in la soo afjaro.

Magaalada Nairobi waxaa wali ka socda shirkii wadatashiga ee arrimaha Somalia. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay qaramada Midoobay ayaa waxaa ka qeybgalaya ergooyin Soomaali ah oo ka kala socda baarlamaanka Somalia, Maamul-goboleedyada iyo ururka Ahlu-sunna.

Shirkan oo ah shir albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa la sheegayaa in maanta ergooyinku ay uga dooddeen waxa la yeelayo marka ay dhamaato muddada DKMG ee Somalia ee bishan August ee sanadkan.

Sheekh Cumar Sheekh Cabdulqadir oo ah Gudoomiyaha golaha talada ee ururka Ahlu-Suna, madaxna u ah ergada ururkaasi ee shirka ka qeybgalaysa ayaa VOA u sheegay in dhawaan ay ergadu soo saari doonaan war-murtiyeed mideysan.

XS
SM
MD
LG