Guddoomiye ku xigeenka guddiga nabaddoonada Puntland Bootaan Dhowre Ismaaciil ayaa sheegay in dilalka ka dhaca Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso, ay leeyihiin wejiyo badan.
Wuxuu sheegay in qaarkood ay yihiin kuwo ka yimaada gudaha, halka qaarkoodna ay ka yimaadaan dibadda. Hase yeeshee wuxuu Nabaddoon Dhowre uu sheegay in maamul iyo shacabba aan si quman wax layska weydiinin.
Wuxuu ugu baaqay maamulka iyo shacabka inay badiyaan wadatashiyo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa dilalkan soo noq noqonaya.