Isku xirrada

War Deg-Deg ah

M/weyne Shariif oo la Tashanaya Xildhibaanada


M/weyne Shariif oo la Tashanaya Xildhibaanada
M/weyne Shariif oo la Tashanaya Xildhibaanada

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wadatashiyo ku aadan ra'iisal wasaaraha cusub la yeelanaya xubnaha baarlamaanka.

Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Shariif Axmed ayaa wadatashiyo ku aaddan magacaabista ra'iisal wasaaraha cusub la leh Xildhibaanada.

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo ka tirsan xilbaano kulan la yeeshay madaxweyne Shariif ayaa VOA u sheegay in madaxweynuhu uu usoo jeediyay inay ka tala bixiyaan inuu xilka ra'iisal wasaaraha cusub u magacaabo Cabdiweli Maxamed Cali oo hadda xilkaasi sii haya, ka dib markii uu iscasilay ra'iisal wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna arrintaasi ku waafaqeen.

Balse wuxuu sheegay in xildhibaanadu ay soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada qaar ee heshiiskii Kampala, lana horgeeyo baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG