Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Musaveni: Waan ka Adkaan Doonnaa Qas-wadayaasha


Musaveni: Waan ka Adkaan Doonnaa Qas-wadayaasha
Musaveni: Waan ka Adkaan Doonnaa Qas-wadayaasha

Madaxweyne Musaveni ayaa ugu baaqay beesha caalamku inaanay Soomaalida u deynin inay iyaga keliya xal ka gaaraan mashaakilkooda.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay iney ka adkaan doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxo uu ku tilmaamay iney kasoo horjeedaan in nabad iyo horumar uu ku tilaabsado dalka Soomaaliya .

War qoraal ah oo saxaafadda shalay loo qeybiyay ayuu sidoo kale Madaxweynaha Uganda ku sheegay iney noqon doonto khalad kale oo taariikhi ah in Soomaalida lagu dhaafo iney iyagu uun maareeyaan khatarta caalamiga ee kooxaha argagixisada, si la mid ah markii dadka reer Afghanistan lagu dhaafay dhibaatadooda sagaashameeyadii, taasoo uu Madaxweynuhu sheegay in haatan uu caalamku shalaay ka joogo, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in loo baahan yahay in dhinac walba laga garab-siiyo howlgalka AMISOM.

Dhinaca kalena, Madaxda Booliska ee Magaalada Kampala ayaa shaqo ka eryis iyo xasbi isugu daray dhowr iyo toban ka mid ah ciidamada Booliska oo lagu eedeeyay iney ku kaceen falal sharci-daro ah oo ay taleefoonada gacanta iyo lacag kaga qaateen qaar ka mid ah Soomaalida qaxootiga ku ah Magaalada Kampla.

XS
SM
MD
LG