Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nuqulka Cusub ee Dastuurka oo Muran Dhaliyay


Qorshaha qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya loo diyaarinayo ayaa waxaa soo wajahaday muran cusub kaddib markii gddiga madaxa banaan ee diyaarinta dastuurku uu sheegay in nuqulka cusub ee dastuurka ee Jimchii ay saxiixeen madaxda Soomaalidu uu ka duwan yahah kii ay horey u diyaariyeen, sidaasi darteedna aysan suurtagal u ahayn in guddigu uu nuqulkaasi u gudbiyo bulshada. Cabdilaahi Xasan Jaamac, guddoomiyaha guddiga madaxabanaan ee diyaarinta dastuurka ayaa VOA-da go'aankaasi u sheegay.

Dhinaca kale, Wasiirka Dastuurka ee Dowladda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa difaacay nuqulka cusub ee madaxdu saxiixeen, wuxuuna sheegay in nuqulkani yahay kii ay guddigu diyaariyeen, balse lagu daray soojeedinta saxiixayaasha road-mapka.

Cabdiraxmaan Xoosh, wuxuu guddiga madaxa banaan ee dastuurka ku eedeeyay inay doonayaan inay isbaaro u dhigtaan qorshaha dastuuka, wuxuuna xusay in guddigu shaqadiisii dhamaatay isla markaana aysan faraha la soo gali karin howlaha dastuurka.

Khilaafkan cusub ee u dhaxeeya Wasaaradda Dastuurka iyo guddiga madaxa banaan ee dastuurka ayaan ku soo beegmaya iyadoo waxka yar 3 toddobaad uu ka harsan yahay shirweynaha lagu ansixin doono dastuurka. Ilaa haatan lama oga saameynta uu khilaafkani ku yeelan karo qorshaha ansixinta dastuurka, hasse yeeshee dadka qaarkood ayaa qaba inay noqon karto caqabad hor leh oo soo wajahda qabyo-qoraalka dastuurka oo ay awalba ay ku jiraan qodobo badan oo dadka dhexdooda fikrado ay ka qabaan.

Wareysiyo arrintaas ku saabsan hoosta ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG