Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano laga Xayiray Duulimaad


Xildhibaano laga Xayiray Duulimaad
Xildhibaano laga Xayiray Duulimaad

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ah ayaa maanta loo diiday inay ka dhofaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ah ayaa maanta loo diiday inay ka dhofaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Xareed Xasan Cali, oo ah afhayeenka guddiga doorashooyinka ee baarlamaanka ee uu dhowaan magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka ayaa VOA u sheegay in xildhibaano gaaraya 45 ay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha ee aadan Cadde Airbort ee Muqdisho, ka dib markii loo diiday inay raacaan diyaarad ay u raaci lahaayeen Nairobi.

Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan booliska iyo nabad sugidda ay u ka hor istaageen inay diyaaradda raacaan, isagoo s heegay in mid ka mid ah xildhibaanada bastoolad qaarkeeda dambe lala dhacay.

Wuxuu ku eedeeyay dhacdadaasi inay mas'uul ka tahay xukuumadda KMG ah.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda KMG ah xildhibaan Cabdishakuur Xasan Faarax, ayaa VOA u sheegay in xildhibaanadaasi doonaya inay ka dhoofaan Muqdisho aanay safarkoodii u marin dariiqii sharciga.

XS
SM
MD
LG