Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Shabaab isu Dhiibay dowladda


Muqdisho: Shabaab isu Dhiibay dowladda
Muqdisho: Shabaab isu Dhiibay dowladda

Dhalinyaradan isu dhiibtay dowladda waxay sheegeen inay shabaabka u qaabilsanaayeen hawlaha fulinta dilalka qorsheysan iyo dagaalada.

Xarunta Nabad-Sugidda ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay ilaa lix nin oo dhalinyaro ah oo sheegay inay ka tirsanaayeen ururka al-Shabaab.

Dhalinyaradan oo la hadlay saxaafadda ayaa waxay sheegeen inay ururka al-Shabaab u qaabilsanaayeen fulinta hawlaha la xiriira dilalka qorsheysan iyo furumaha hore ee dagaalka.

Waxayna sheegeen inay ka soo baxsadeen kooxda al-Shabaab ka dib markii ay la xumaatay falalka gurracan ee ay kula kici jireen shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG