Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Raiisal Wasaare Cusub oo la Magacaabay


Madaxweyne Shariif iyo raisal-wasaare Farmaajo
Madaxweyne Shariif iyo raisal-wasaare Farmaajo

Madaxweyne Shariif ayaa magacaabay ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa daqiiqado ka hor u magacaabay Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ra'iisal wasaaraha cusub ee xukuumadda KMG ah.

Maxamed C/laahi waa 48 jir muddo ka badan 20 sano ku noolaa dalkan Maraykanka.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in uu ka rajeynayo ra'iisal wasaaraha cusub inuu soo dhisi doono dowlad marxaladda adag ka gudbisa dalka.

Ra'iisal wasaaraha cusub ayaa isaguna sheegay inuu si deg deg ah u soo dhisi doono golihiisa xukuumadda.

XS
SM
MD
LG