Mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM ayaa maanta qarax lagula beegsaday magaalada Muqdisho.
Qarax ayaa ka dhacay agagaarka kulliyaddii hore ee Jaalle Siyaad xilli ay kolonyadaasi ka yimaadeen Jaamacaddii hore ee Gaheyr oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.
Inkasta oo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha soo gaaray ciidamadda Burindi ee ka tirsan AMISOM, hadane ururka Al-shabab ayaa sheegtay masuuliyadda Qaraxaasi.
Weerarkaan ayaa waxaa ka horreyay qaraxyo xallay ka kala dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo uu ku jiro guri lagu farsameynayay waxyaabaha Qarxa oo ay Al-shabab leeyihiin kaas oo qasaro nafeed uu ka dhashay.