Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay laba qarax oo ka dhacay Villa Baydhaba iyo deeggaanka Dharkinleey.

Qarax koowaad oo ahaa qarax ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday Villa Baydhaba oo xarun u ah ciidamada dowladda KMG ee Somalia. Qaraxaasi waxaa ku dhintay afar askarta dowladda ka tirsan iyo qofkii isasoo miidaamiyaya.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay deeggaanka Dharkinley halkaasoo la sheegayo inay ku dhinteen ugu yaraan afar haween ah oo ka shaqeynayay howlaha nadaafadda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxyadan, iwaxayna qeyb ka noqdeen qaraxyo xiriir ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG