Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo Xiraysa Waddooyin ka Tirsan Muqdisho


Guddiga Aminga Qaranka ayaa go'aamiyey in waddooyinka Muqdisho qaarkood la xiro, inta ansixinta dastuurku ay socoto.

Guddiga ayaa sheegay in laga bilaabo tobbanka bishan la xiri doono waddooyinka taga dugsiga Iskool Boliisiyo iyo waddada Maka Al-Mukarama.

Xiritaanka wadddooyinka oo ah KMG ayaa looga gol leeyahay in lagu adkeeyo amniga sidoo kalena looga hortago cid kasta oo carqalaladeyn karta qorshaha ansixinta dastuurka oo la filayo inuu bilowdo 12 bisha.

Dhinaca kalena wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/samad Macalin C/lle ayaa sheegay in hay'adda iyo NGO-yada aan sharciga haysan aysan ka shawqeyn karin Muqdisho, wuxuuna sidoo kale ka digay in hub lagu dhex-qaato Muqdisho.

XS
SM
MD
LG