Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dagaallo Maalintii saddexaad socda


Muqdisho: Dagaallo Maalintii saddexaad socda
Muqdisho: Dagaallo Maalintii saddexaad socda

Dagaallo culus ayaa wali ka socda xaafaddo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. 8 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka maanta

Daawo Sawirrada Dagaallada Degmada Hodan

Dagaallo ayaa maalintii saddexaad ka socda qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan.

Dagaalladan ayaa xoogoodu wuxuu ka dhacay xaafaddo ay ka mid yihiin African Village, Xero Ruush iyo Kaaso-Bal-balaaro.

Ugu yaraan 8 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaallada maanta, kuwaasoo la sheegay inay ku habsadeen madaafiicda ay is-weydaarsanayaan dhinacyada dagaallaamaya. 30 qof oo rayid ah ayaa dagaalladan ku dhaawacmay kuwaasoo la gaadhsiiyay isbitaallada Muqdisho.

Warar ku dhow dhinacyada dagaallamaya ayaa sheegay inay jirto tiro badan oo labada dhinac uga dhimatay dagaallada.

Dagaalladan maalintii saddexaad ka socda Degmada Hodan ayaa waxay hakad-galiyeen dhaq-dhaqaaqa suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaasoo ay dagaalladu ku sii siqayaan. Dhinaca kalena dad fara-kuturis ah oo ku hadhsanaa xaafadda Kaaso-Bal-Balaaro ayaa bilaabay inay ka barakacaan halkaasi.

Ciidamada AMISOM oo ay weheliyaan kuwa DKMG ayaa shalay qabsadey goobo ay ka mid yihiin Warshadda Caanaha iyo isbitaalka Xoogga.

XS
SM
MD
LG