Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dagaal Mar kale ka dhacay Deyniile


Muqdisho: Dagaal Mar kale ka dhacay Deyniile
Muqdisho: Dagaal Mar kale ka dhacay Deyniile

Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Midowga Africa ayaa iska caabin kala kulmaya Kooxda Al-Shabab

Wararka naga soo gaaraya degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho ayaa ku soo waramaya in xalay halkaasi uu dagaal xooggan mar kale ka dhacay, kafdib markii Kooxda Al-Shabab ay weerarro xooggan ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee kaabaya.

Qasaaraha dagaalka xalay weli lama oga, hase yeeshee qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa VOAda u xaqiijiyay in dagaalka oo cuslaa ay ka qeyb qaadanayeen Ciidamo gurmad ah oo ay kooxda Al-Shabab shaley soo geliyeen degaanka.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa midoowga Africa ayaad moodaa in iska caabin ay weli kala kulmayaan Minitidiinta kooxda Alshabaab.

Degmada Deyniile ayaa weli laba u kala qeeybsan, ciidamada dowladda ku meel gaarka ah ayaa weli ku sugan, isgooyska deyniile, xaafadaha Tiida, Qeeyb ka mid ah Gubta iyo Xaafadda Raadeerka.

A-l-Shabab ayaa weli gacanta ku haya meelo uu ka midyahay Cusbitalka Deyniile iyo halka loo yaqaan Galka Deyniile.

XS
SM
MD
LG