Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dagaal iyo duqeyn dhacay


Muqdisho: Dagaal iyo duqeyn dhacay
Muqdisho: Dagaal iyo duqeyn dhacay

Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay suuqa Bakaaraha kaddib dagaal iyo duqeyn maanta ka dhacday degmada Hodan ee Muqdisho.

Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay, 9 kalana way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqay goos goos ah oo maanta ka dhacay xaafaddo ka tirsan dagmada Hodan ee magaalada Muqdisho

Dagaalladan iyo duqeynta ayaa bilawday kadib markii barqanimadii maanta ay kooxaha hubaysani ay weerar ku qaadeen fariisimada ciidamda AMISOM ay ku leeyihiin agagaarka gurigii hore ee shaqaalaha iyo isbitalka xoogga

Madfac ku soo dhacay qaybta suuqa khudaarta ee Bakaaraha ayaa waxaa ku geeriyooday 2 qof, halka 5 kalana ay ku dhaawacmeen, waxana jirta in madfac kale oo isaguna ku dhacay xaafadda black sea ee dagmada Hodan in ay iyana ku dhaawacmeen 4 qof oo kale sida ay VOA u xaqiijiyeen howl wadeenada gaadiidka gurmadka ah ee magaalada Muqdisho.

Dagaallada iyo duqayntan maanta Muqdisho ka dhacay ayaa waxa ay qayb ka yihiin dagaallada inta badan ku soo noq-noqda gudaha magaalada Muqdisho kuwaasoo khasaaraha ugu badanina ay ka soo gaaraan dadka raydika ah ee aan iygu waxba galabsan.

XS
SM
MD
LG