Bannaanbax looga soo horjeedo xarigga guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo ka mid ahaa saraakiil horey xilal uga soo qabtay dowladda KMG ah oo lagu xiray magaalada Muqdisho.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in Maxamed Dheere iyo ragga kale ee la xiray ay uga shakisan yihiin inay ku lug lahaayeen fal lagu xabadeeyay shacab isu soo bax ka dhigayay magaalada Muqdisho.
Dadweynihii bannaanbaxa sameynayay oo isugu soo baxay degmada Shangani ayaa ku dooday in Maxamed Dheere uusan dambi lugaha la gelin isla markaana uu ahaa qof difaac ka waday meel ka mid ah Muqdisho.
Xarigga Maxamed Dheere ayaa yimid ka dib markii la xabadeeyay bannaanbax ay si nabadgelyo leh u dhigayeen dadweyne isugu soo baxay agagaarka golaha murtida iyo madadaalada ee National Theatre goobtaaso lagu dilay ugu yaraan 4 ruux oo ka mid ah dadkii bannaabaxayay oo isugu jiray saddex haween ah iyo askari ka tirsanaa Baambayda.
Dadweynaha bannaanbaxa isugu soo baxay ee degmada Shangaani waxay kaga cabanayeen xarigga ay dowladda KMG ah u geysatay Maxamed Dheere