Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dad loo Xir-xiray Dilkii Talaadadii


Muqdisho: Dad loo Xir-xiray Dilkii Talaadadii
Muqdisho: Dad loo Xir-xiray Dilkii Talaadadii

Tiro dad oo uu ka mid yahay Maxamed Cumar Xabeed (Dheere) ayaa loo xir-xiray dil loo geystay dad dibadbaxayey kaas oo 15kii Febr. dhacay

Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay iney gacanta ku dhigtay illaa 5 qof, oo lagu eedeyay iney ka danbeyeen falkii labo maalmood ka hor lagu rasaaseyay dad dibadbax ka sameyay magaalada Muqdisho .

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmajo oo la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in soo qabqabashada raggan ay qeyb weyn ka qaateen ciidamada dowlada iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, taas oo muujineysa in dowladu ay ka dhabeysay balanqaadkeedii ahaa iney cadaalada la tiigsan doonta cidwalba oo falkaasi ku lug lahaato.

Soo qabqabashada dadkan kale oo ka hadlay Wasiirka Gaashaandhiga, Cabdixakiim Maxamuud X. Fiqi, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Cabdishakuur Sheekh Xasan.

Magacyada dadkii lasoo qab-qabtay waxa ka mid ah:

gudoomiyinii hore ee gobalka Banaadiar Maxed Cumar Xabeeb( Dheere), Cabdi Qeybdiid , Nuur cali yalaxow, Maxamed Raage Tifow, iyo Cali Nuur Maxamed.

XS
SM
MD
LG