Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somalia: Saddex Guddi oo Baarlamanku Dhisay


Somalia: Saddex Guddi oo Baarlamanku Dhisay
Somalia: Saddex Guddi oo Baarlamanku Dhisay

Guddiyada baarlamaaniga waxay ka shaqeyn doonaan arrimo kala duwan oo ku saabsan shaqada baarlamaanka iyo doorashada madaxda.

Guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay saddex guddi oo baarlamaani ah kuwaasoo qaban doona hawlo kala duwan.

Guddiyadaasi ayaa waxay kala yihiin; guddiga dib u habeynta baarlamaankaiyo tayeynta shaqadiisa; Guddiga soo diyaarinta qorshe-hawleedka baarlamaanka; Guddiga doorashada.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku baaqay in lala shaqeeyo guddiyadaasi sidii ay hawlohooda u qabsan lahaayeen.

Dhismaha guddiyadan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay aad u kala aragti duwan yihiin baarlamaanka iyo xukuumadda KMG ah oo la xiriira arrimaha doorashada iyo wakhtiyo ay kala kororsadeen labada gole.

XS
SM
MD
LG