Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: 17 qof oo ku dhintay Dagaallo


Muqdisho: 17 qof oo ku dhintay Dagaallo
Muqdisho: 17 qof oo ku dhintay Dagaallo

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay dagaallo iyo duqeyn ka dhacday Muqdisho. DKMG waxay sheegatay inay goobo cusub qabsatay

Dagaallo cusub oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu ayey ku dhinteen ugu yaraan 17 qof, iyadoo ciidamada dawladda daacad u ah ay sii wadaan hardanka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaa sidii ay uga qabsan lahaayeen suuqa weyn ee ganacsiga ee Bakaarana.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay saacidayaan kuwa Midowga Afrika ee AMSIOM ayaa isku dayaya inay suuqaasi ka qabsadaan maleeshiyada Al-Shabab.

Saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in dagaal culus oo labada dhinac dhexmaray maanta ay ku dhinteen 40 qof.

Dhinaca kalena, guddi wadajir ah oo ka kooban ganacsatada iyo bulshada rayidka ah ayaa magaalada Muqdisho kulan ay ku qaateen waxay ugu baaqeen dhinacyada dagaallamaya inaan madaafiic lagu tuurin suuqa Bakaaraha, isla markaana la bad-baadiyo hantida taalla suuqaasi.

XS
SM
MD
LG