Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaharaadyo ka dhan ah go'aanka IGAD


Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka taliso ka abaabushay mudaharaadyo looga soo horjeedo go'aankii IGAD ay ciidamo ugu soo dirayso Somalia.

Boqollaal dad ah ayaa isugu soo baxay goobaha ay kataliso Al-shabaab ee magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Beledweyne iyo Baydhaba. Dadkan ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku diidan yihiin go'aanka ururka IGAD ee ciidamo ka socda safka hore loogu soo dirayo Somalia.

Ururka Al-shabaab ayaa dadka degan goobaha ay ka taliyaan saaka waabarii ku qasbay inay ka qeybgalaan banaanbaxyadan, iyagoo diiday in maanta dadku shaqo tagaan. Al-shabaab waxay xayireen dhamaan gaadiidka iyo isu socoda magaalooyinka banaanbaxyadu ka socdeen.

Mas'uuliyiinta Al-shabaab oo dhamaan dadkaasi banaanbaxayay la hadlay ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan ciidan kasta oo kaga yimaada waddamada deriska. Al-Shabaab waxay dadkaasi banaanbaxayay u sheegeen inay fureen xerooyin lagu tababaro dadka doonaya inay ka qeybgalaan dagaalka iyo jihaadka looga soo horjeedo ciidamada IGAD ay sheegtay in loo soo dirayo Somalia.

XS
SM
MD
LG