Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mooshin ka dhan ah Sharma'arke


Mooshin ka dhan ah Sharma'arke
Mooshin ka dhan ah Sharma'arke

ilaa konton xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka ayaa soo gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in ra'iisul-wasaaruhu baarlamaanka horyimaado

Ilaa konton mudane oo ka tirsan baarlamaanka KMG ee Somalia ayaa baarlamaanka hor geeyay mooshin ay ku dalbanayaan in ra'iisal wasaare xukuumadda KMG uu baarlamaanka hor yimaado.

Mudanayaashan ayaa ku dhaliilay ra'iisul-wasaaraha inuusan waxba qabanin, sidoo kale uu magacaabay wasiirro iyo ra'iisal wasaare ku xigeeno.

Mudanayaashaasi mooshinka gudbiyay waxaa ka mid ah Cali Maxamuud Farah (Cali Seeko), wuxuuna VOA-da u sheegay in xilalka cusub ee ra'iisul-wasaaruhu dhawaan magacaabay loo baahan yahay in baarlamaanka la horkeeno si loo ansixiyo. Cali wuxuu kaloo sheegay in xukuumadda Sharma'arke ay ku guuldaraysatay inay dhamaystirto gollaha wasiirrada oo ay ka baaqsatay inay magacowdo wasiirro-kuxigeen.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga Xildhibaan Cali Maxamuud.

XS
SM
MD
LG