Mas’uuliyiinta India ayaa sheegay in khamiista maanta maxkamad la soo taagi doono 61 burcadbadeed Soomaali ah, kuwaasoo ay soo qabteen ciidamada badda India.
Burcadbadeedda la maxkamadeynayo waxaa lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamada India ku badbaadinayeen markab ka surnaa calanka Mozambique kaasoo lagu magacaabo Vega 5, maalintii sabtida ahayd.
Saraakiisha dalka India waxay sheegeen in hawlgalkaasi sidoo kale lagu soo badbaadiyay markabka iyo 13 shaqaalihii la socday.
Burcadbadeedda Soomaalida waxay afduubyada ay u geystaan maraakiibta ku helaan malaayiin dollar oo madax furasho ah.
Hawlgalka la dagaalanka burcadbadeedda ee Midowga Yurub waxa uu sheegay in wakhti xaadirkan xeebaha Soomaaliya lagu haysto 30 markab iyo shaqaalihii la socday oo ka badan 650.
Mombai: Maxkamad la Saarayo Burcadbadeed
- VOA Somali

Burcadbadeedda maxkamadda la soo taagayo waxaa lagu soo qabtay hawlgal lagu soo badbaadinayay markab ay afduubteen.