Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mogadishu:Shirka Odayaasha oo Furmay


Waxaa goor dhaweyd si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho shirka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xullaya ergada ansixineysa Dastuurka uu dalkaasi Mustaqbalka yeelan doono, iyadoo dhinaca kale si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada caasimadda Muqdisho.

Wasiiru dowlaha dastuurka iyo arimaha federalka Xassan Maxamed jimcaale ayaa VOAd u sheegay in inta badan odayaashii ka qeybgali lahaa shirka ay ku suganyihiin goobta uu shirka ka socdo, inta dhimanna ay berito soo gaarayaan.

Dhinaca kale amaanka goobta uu shirka ka furmay oo ah xarunta School Boliisiya ee degmada Waberi ee magalada muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamada dowladda lagu arkayaa guud ahaan wadooyinka magaalada

XS
SM
MD
LG