Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dagaallo dhacay iyo qubuurro la bur-buriyay.


Muqdisho: Dagaallo dhacay iyo qubuurro la bur-buriyay.
Muqdisho: Dagaallo dhacay iyo qubuurro la bur-buriyay.

1 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, 8 kalana way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqayn maanta ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dagaaladan ayaa ka dhacay xaafada taleex ee dagmada Hodan, iyadoo wararka qaarna sheegayaan in ciidamada dawladda Soomaaliya ay qabsadeen isgoyska muhiimka ah ee Kaasaboballaare.

Dagaallada iyo duqaymaha maanta magaalada muqdisho ka dhacay ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay ay daganayd magaalada muqdisho.

Dhinaca Waqooyi ee magaalada Muqdishana, ururka Al-Shabab ayaa la sheegay inay burburiyeen qabuuraha mid ka mid ah Culimada Suufiyiinta ee ugu caansan Soomaaliya, oo ah qabrigii Sheekh Muxiyaddiin Celi. Afhayeenka ururka Ahlu-Sunna Sheekh C/dir Soomow ayaa cambaareeyay duminta ay maanta Al-Shhabaab dumiyeen qabuurahii Sheekh Muxiyadiin.

Qeybta hoose ee qoraalka ka dhagayso Weraysiga Afhayeenka Weriye ku sugan Muqdisho.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG