Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Romney oo ku guuleystay Doorashadii New Hampshire


Romney oo ku guuleystay Doorashadii New Hampshire
Romney oo ku guuleystay Doorashadii New Hampshire

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Massachusetts ee dalkan Mareykanka Mitt Romney ayaa ku guuleystay doorashada Gobolka New Hampshire ee Musharixiinta xisbiga Jamhuuriga ee u baratamayay tartanka ninka xisbigaasi u matali lahaa doorashada guud ee dalkan Mareykanka sanadkan 2012ka.

Xarumihii cod bixinta doorashada ayaa saacado ka hor la soo xiray, waxaana ku guuleystay Mitt Romney.

Kaalinta labaad waxaa galay Ron Paul oo ah Mudane congresska ka soo gala gobolka Texas kaalinta sadexaadna waxaa galay, Danjirihii hore ee Mareykanka ee Shiinaha Jon Huntsman.

Ramney ayaa sheegay in doorashada ka dhacday New Hampshire ay isaga iyo gobolkaba u aheyd mid taariikhi ah, isla markaana uu noqday musharaxii ugu horeeyay ee ku guuleysta labada gobol ee IOWA si fudud tan iyo sanadii 1970kii, markaasoo labada gobol ay noqdeen kuwa ugu horeeya ee lagu qabto doorashada noocan ah.

Waxa uu sidoo kale qudbadiisa ku weerarar madaxweyne Obama isagoo ugu yeeray Madaxweyne guul dareystay waxuuna ku dhaleeceeyay siyaasadahiisa.

Dad badan ayaa horey u saadaalinayay in Mr Romney uu ku guuleysan doono Gobolka New Hampshire, laakiin cidda ku guuleysata kaalimaha labaad iyo sadexaad ee baratanka ayaa iyana muhim aheyd.

Taasoo lagu kala ogaanayo in Musharixiinta kale ay isaga harayaan tartanka iyo in kale.

XS
SM
MD
LG