Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Maalintii 14-aad ee Maxkamadeynta 3 Soomaali Ah


Abdirahman Daud
Abdirahman Daud

Mar kale ayey saaka billaabatey maxkamadeynta dhalinyaradii reer Minnesota ee lagu eedey in ay doonayeen in ay ku biiraan kooxda ISIS, taageerana siiyaan.

Dhageysiga dacwada ayaa saaka ku bilaabatey su’aalo ay dowladu weydiineysey sarkaal ka tirsan heyada FBI xafiiskeeda San Diego, California.

Sarkaalkan oo ka mid ahaa ciidamadiisoo xirey Mohamed Farah iyo Abdirahman Daud xili ay qaadanayeen Baasabooro Canadian ah oo la been abuurey. Sarkaalkan ayaa sheegey in ay xariga la sugayeen ilaa inta ay baasaboorada gacanta ku dhigayeen.

Sidoo kale, maxkamada ayaa dhageysatey caddeymo uu bixinayey sarkaal kale oo ka tirsan hey’adda FBI oo ah nin iska dhigayey qof baasaboorada iibiya. Sarkaalkan ayaa ka sheekeeyey shaqadisii labada dhinac aheyd ee uu u hayey FBI iyo wiilashan oo uu iskaga dhigaayey nin iibiya baasaboorada been abuurka ah.

baasaboorada ayaa sidoo kale la keeney maxkamada iyadoo ay ku dhegen yihiin sawirrada Abdirahman Da’ud iyo Mohamed Farah, balse magacyo kale lagu qorey, taasoo la isla ogaa in lau qoro.

Sarkaalkan maanta marqaatiga furayey ayaa sheegey inuu Abdirahman Da’ud oo ah wiilka dacwada loo heysto uu u dhiibey lacag dhan Shan kun oo Dollar si ay ugu kaashadaan safarkooda ay ku aadi lahaayeen Syria.

Sidoo kale, saaka waxaa la keeney muuqaal video ah ooku aadan sidii loo gudooonsiiyey baasaboorada been abuurka, lacata iyo sidii loo xirey oo u muuqatey mid sidii filimada oo kale ah.

Sarkaalkii sedexad oo ka tirsan heyada FBI ayaa saaka isna marqaati furey
oo ka mid ahaa saraakiishii baareysey tuhunkii .

Waxa kale oo uu sharxay cabsidii ay dhalintan ka qabeen in ay FBI hesho xogtooda iyadoo ticket u goostey buska loo yaqaan Greyhound ee goboladan isaga kala gooshan si uu ugu tago NewYork kadibna u tago Spain sida uu sheegey oo uu fasax ugu socdey.

Maxkamada ayaa sidoo kale loo aqriyey wadasheekeysi dhex marey sarkaalkan ka tirsan heyada FBI iyo qaar ka mida dhalinyaradan.

XS
SM
MD
LG