Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Awdal State oo Lagu Dhowaaqay


Minnesota: Awdal State oo Lagu Dhowaaqay
Minnesota: Awdal State oo Lagu Dhowaaqay

Jaaliyadda gobolka Awdal ee gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka yaa aku dhowaaqay maamul goboleed la baxay Awdal State.

Jaaliyadda gobolka Awdal ee Somaliland ee magaalada Saint Paul ee gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka ayaa ku dhowaaqay maamul goboleed la magac baxay Awdal State oo ka madaxbannaan Somaliland.

Kulan ballaaran oo ay jaaliyaddu ku qabatay magaalada Sait Paul ayay ku sheegeen inaanay ka mid ahayn maamulka Somaliland, hase yeeshee ay yihiin maamul madax bannaan oo wax la qeybsanaya sida ay hadalka u dhigeen "Soomaali Weyn".

Ujeedada ay uga goosteen maamulka Somaliland ayay ku sheegeen, ka dib markii ay gobolkooda ka waayeen saaxadda siyaasadda maamulka.

Maamulka Somaliland oo aan isku daynay inay arrintan jawaab ka bixiyaan ayaanay inoo suurtoobin.

XS
SM
MD
LG