Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Yurub oo lacago siinaya AMISOM


Midowga Yurub oo lacago siinaya AMISOM
Midowga Yurub oo lacago siinaya AMISOM

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in lacag u dhiganta 60 million oo dollar ay siinayaan howlgalka ciidamada AMISOM ee ka howgala Somalia

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay in ay lacag dheeraad ah oo dhan 47 million Euro ay siinayaan hawlgalka ay ciidamada nabad ilaalinta ee midawga Africa ee AMISOM ay ka wadaan dalka Somalia.

Warkan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtan 47 Million ee EURO oo u dhiganta in ka badan 60 million oo Dollars ay ka dhigayso lacagta ay Midowga Yurub siiyeen hawlgalka ciidamada AMISOM tan iyo sanadkii 2007-kii 142 Million oo Euro una dhiganta in ka badan 182 million oo dollar

Sarkaalka ugu saraysa ee Midowga Yurub ugu qaabilsan siyaasadda arimaha dibedda iyo amaanka Catherine Ashton ayaa sheegtay in ay ciidamada AMISOM muhiimad wayn ay u leeyahiin in aanay ka sii darin xaaladda amaanka ee dalka Somalia, iyadoo sheegtay in ciidamadaasi ay muujiyeen inay muhiim tahay in la helo duruufo saamaxaya sidii wadahadalo iyo dib u heshiisiin looga gaadhi lahaa dalka Somalia

Catherine, waxay sheegay inay rajaynayso in ciidamada AMISOM ay samayn doonaan jawi lagu xaqdhawro xuquuqda aadamaha oo la ilaaliyo dhamaanba dadka u dhashay dalka Somalia.

Lacagaha ay bixiyaan Midowga Yurub ee la siiyo AMISOM ayaa waxaa lagu bixiyaa kharashaadka ku baxa hawl alkaasi oo ay ku jiraan gunnada ciidamada lagu siiyo hawsha nabad ilaalinta iyo mushahaaraadka ay qataan shaqaalaha rayidka ahi iyo lacagaha ku baxa gaadiidka iyo caafimaadka.

XS
SM
MD
LG