Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midawga Africa oo ka Digay Xaaladda Somalia


Golaha nabadda iyo ammaanka ee Midawga Afrika ayaa ka digay xaaladda Somalia iyo khilaafaadka DKMG.

Golaha nabadda iyo ammaanka ee midawga Africa ayaa ugu baaqay wadamada midawga Africa in ay oofaiyaan ballamihii ay hore u qaadeen, si loo taageero DFKMG.

Madaxa bishan ee golaha nabadda iyo amaanka midawga afrika oo ah danjiraha dalka Equatorial Guinea ayaa ka dayriyay xaaladda Somalia isaga oo ku tilmaamay dal ay argagixiso haysato.

Kulankan ayaa saacada kooban ka horeeyay kulanka gaarka ah ee Somalia loogu talagalay ee uu ku baaqay xoghayaha qaramada Ban Ki Moon kana qabsoomay magaalada New York.

Waxaana uu madaxa golaha nabadda iyo amaanka ayaa si gaar ah uga baaqay madaxda soomaalida ah in ay la yimaaddaan qorshe adag oo lagaga hortaga kooxaha xidhiidhka la leh Al Qaacida.

Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee midawga afrika u qaabilsan Somalia Diarra Boubacar oo warbixin siiyay golaha ayaa ku tilmaamay is casilaaddii Ra’isal wasaaraha in ay xaqiijinayso khilaafka ka dhex jira xukuumadda, waxaana uu ku tilmamay in ay hoos u dhigayso dadaalkii caalamka looga doonayay taageero lagaga hortago xagjirka.

Midawga Afrika ayaa waxaa Somalia ka jooga ku dhawaad 7200 oo askari, hase ahaate waxaa jira ciidan badan oo loo baahanyahay , mid ka mid ah danjirayaasha wadamada Afrika ugu ciidanka badan oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa tilmaamay in ay aad u adagtahay , waxaana uu tilmaamay in labaqalbiyaynta beesha caalamka ee ballanqaadkan ku aaddan ay astaan u tahay baaxdda uu mashaakilku leeyahay.

XS
SM
MD
LG