Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Messi: Kama qoomameynayo go’aankii aan ugu biiray kooxda Inter Miam


FILE PHOTO: FIFA World Cup Qatar 2022 - Final - Argentina v France
FILE PHOTO: FIFA World Cup Qatar 2022 - Final - Argentina v France

Lionel Messi ayaan wax qoomamo ah ka qabin go’aankii uu ugu biiray Inter Miami, wuxuuna sheegay in uu aad u danaynayo inuu loollaan cusub la kulmo.


36-sano jirkaan ayaa Talaadadii soo gaaray Mareykanka maalmo kahor inta kooxda Inter Miami aysan munaasabad gaar ah Axadda kusoo bandhigin laacibkooda cusub.


"Waan ku faraxsanahay go'aanka aan gaarnay, waxaan diyaar u ahay oo aan aad u xiiseeyaa inaan wajaho loolanka cusub," Messi, ayaa sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga Argentina Talaadadii.


"Maskaxdeyda iyo madaxaygu isma beddelayaan, waxaan isku dayi doonaa, meel kasta oo aan joogo, inaan bixiyo ugu badnaan nafteyda iyo kooxda, si aan u sii wado bandhigga heerka ugu sarreeya."

Kooxdan ayaa isku diyaarinaysa in ay qabato munaasabad gaar ah oo uu ku soo bandhigayo xiddiga ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ee todobada jeer taas oo ka dhici doonta garoonka DRV PNK Stadium ee Fort Lauderdale.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG