Kylian Mbappe ayaa dhaliyay rigoore muran badan dhalisay dhammaadkii ciyaarta, si uu u kasbado in Paris St Germain barbaro 1-1 ah oo ay la gashay kooxda Newcastle United garoonka Parc des Princes Talaadadii.
Kooxda martida ah ayaa hoggaamineysay kulanka Group F tan iyo bartamihii qeybtii hore ee ciyaarta,waxana ay uga mahadcelinayaan Alexander Isak goolkisii ugu horeeyay ee Champions League, laakiin Newcastle oo u babacdhigtay weerarka PSG ayaa kaliya waxaa ka nixiyay go'aan muran badan dhaliyay.
Ciyaartoyda PSG ayaa aad ugu qayliyay in kubbada uu gacanta ku taabtay xidiga Newcastle ee Tino Livramento marlii uu kubbada ku qaatay xabadk iyo xusulka, waxaana markaas kadib garsoore Szymon Marciniak uu aaday VAR, isaga oo go'aansay rigoore.
Kooxda Luis Enrique ayaa ka badbaaday khatar ay ugu jirto inay ka dhacdo kaalinta saddexaad, waloow ay weli khatartaasi jirto, maadama kooxa kale ee qeynta aysan weli ku kala nasiib badneyn kaalinta labaad.
Kooxda Borussia Dortmund ee isla qeybtan ayaa iska xaadirisay wareega 16-ka ee tartanka champions League kadib markii ay 3-1 ku garaaceen kooxda Ac Milan kulan ka dhacay San Siro.
Reuters.
Madal