Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maydad Tahriibayaal Laga Helay Yemen


Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay maydadkan ka soo kala ururisay gobollo kala duwan oo ku yaalla xeebta iyo xadka ay la wadaagto Sacuudiga.

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in saraakiisha dalka Yemen ay shaaciyeen in 17 maydad isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan laga soo ururiyay gobollo ku yaalla dalkaasi.

Diblomaasi ka tirsan qunsuliyadda Soomaalida ee magaalada Cadan, Xuseen Xaaji Axmed ayaa VOA-da u sheegay in maydadkaasi laga soo ururiyay gobollada Xudeyda iyo Xajja oo inta badan ay tahriibayaashu sii maraan.

Xuseen Xaaji Axmed ayaa sheegay in loo maleynayo in 17-kaasi qof oo ku sii jeeday dalka Sacuudiga ay u dhinteen qabow iyo gaajo ka dib markii roobab da'yay 48 saacadooku qabsay dhul buuro iyo godad ah oo ay dadkaasi joogeen.

Waxaa kaloo jira Soomaal iyaguna la soo qabtay oo la keenay magaalada Taciz kuwaasoolagu wareejiyay hay'adda Qaxootiga ee UNHCR, waxaana ay dadka ku celisaa xerada qaxootiga ee al-Kharaz.

XS
SM
MD
LG