Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda sare ee Kenya oo hor istaagtay in Kenyatta uu wax ka bedelo dastuurka dalkaas


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa is-hortaagtay hindise isbedel lagu samaynayey dastuurka oo uu horkacayey madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyada oo lix ka mida toddobada garsoore ee maxkamadda sare ay diideen in isbeddello lagu samaynayo dastuurka dalkaasi aaney aheyn inay ka yimaadaan madaxweyne, laakiin ay ka yimaadaan shacabka.

Kadib doorashadii sida weyn loogu tartamay ee kala qaybisay dalkaas ee sannadkii 2017, Madaxweynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa soo bandhigay, qorshe ay ugu magacdareen “Hindisaha isu-keenidda bulshada”, kaas oo ay ku jiraan qodobo ay ka mid yihiin in la hirgeliyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo joogto ah iyo 70 deegaan doorasho.

Labada hoggaamiye ayaa sheegay in xilal siyaasadeed oo la abuuro ay qayb ka noqon karayso in xal loo helo rabshadaha aafeeyey doorashooyinka dalka Kenya.

Hase ahaatee, maxkamadda sare ee dalkaas ayaa is hortaagtay qorshahaas. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Martha Koome oo akhrisay qaraarka maxkamadda ayaa sheegtay inaan madaxweynuhu awood u lahayn inuu bilaabo hindisaha wax ka bedelka dastuurka, ayna maxkamaddu laashay.

Maxkamadda sare ayaa taageertay laba go’aan oo ay hore u soo saareen maxkamadaha hoose, maxkamadda racfaanka iyo maxkamadda sare, kuwaas oo hindisahan ku sheegay inuu yahay mid qayral dastuuri ah.

Raila Odinga ayaa soo noqday Ra’iisal Wasaare, ka dib heshiiskii awood qaybsiga ee lagu soo afjaray, rabshadihii ka dhashay doorashadii 2007, hase ahatee xilka xafiiska Ra’iisal wasaaraha aya Meesha laga saaray sannadkii 2012, ka dib afti la qaaday.

XS
SM
MD
LG