Baaritaano militari ayaa lagu ogaaday hoggaan xumo, tababar aan ku filneyn iyo "dhaqan is hooseysiin ah" oo ka dhex jira ciidamada Mareykanka uu wiiqay dadaalladii lagu doonayey in lagaga hortago weerar ay sanadkii 2020-kii lagu qaaday saldhigga Manda Bay ee ciidamada Mareykanka ee Kenya.
Weerarkaas oo ay fuliyeen maleeshiyo ku sugan Kenya ayaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, waxaana sheegtay kooxda Al-Shabaab.
Xogta baaritaanka ayaa waxaa wakaaladda wararka ee AP la wadaagay saraakiisha Mareykanka ee baaritaanka la socda kahor inta aan la sii deyn natiijada.
Warbxin ay wakaaladda wararka ee Associates Press ka qortay arrintan ayaa waxaa soo koobeysa Caasha Ibrahim Aden.