Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxbuub Macalim oo Somaliland ku sugan


Maxbuub Macalim oo Somaliland ku sugan

Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalim ayaa booqasho ku jooga magaalada Hargeysa eeSomaliland.

Xoghayaha joogtada ee Guddiga Fulinta ee urur goboleedka IGAD Eng: Maxbuub Macalim ayaa maalmahan booqasho ku joogay Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa VOA u sheegay in xoghaye Maxbuub uu booqasho ku bixiyay deegaano ka tirsan Somaliland.

Wuxuuna sheegay inay kala hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa Somaliland iyo urur goboleedka IGAD, kaasoo u badan waxbarashada, la dagaalanka fakhriga iyo arrimaha deegaanka.

Maxbuub Macalim oo wareysi siiyay VOA-da uu sheegay inuu u yimid sidii ay ula wareegi lahaayeen Iskuulka barashada xannaanada xoolaha ee ku yaalla degmada Shiikh.

Iskuulkaasi oo uu sheegay inuu gacanta ku hayay ururka Midowga Afrika.

XS
SM
MD
LG