Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay Soo Kordhin Karaan Ciidamo Dheeri ah oo Ugandhiis ah.


Uganda ayaa sheegtay inay Soomaaliya u soo direyso 10,000 oo askari, si ay ula dagaalamaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda, Haddii Dhaqaale lagu siiyo.

Dowladda Uganda waxay sheegtay in ay isku soo duwi karto 10,000 oo ciidamadeeda ah inay gudaha u galaan dalka

Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda kmg ah, haddii Maraykanku uu dhaqaale u ballanqaado.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhiga Jaamacadda dalka Qadar ayaa sheegay in ballanqaadka ciidan ee Uganda uusan ahayn mid cusub, hase yeeshee ay horey u jireen ballanqaadyo noocaasi ah.

Si kastaba ha ahaatee fikradaha laga aamisan yahay arrinta ciidamo keenista dalka Soomaaliya ayaa waxay tahay mid aad loogu kala duwan yahay.

XS
SM
MD
LG