Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa u sabab ah Khilaafka Madaxda DKMG?


Maxaa u sabab ah Khilaafka Madaxda DKMG?
Maxaa u sabab ah Khilaafka Madaxda DKMG?

Madaxda sar sare ee dowladda ayaa had iyo jeer khilaafkooda uu ku saleysan yahay arrimaha Sharciga.

Inkastoo aysan ugub ahayn inay iskhilaafaan amma wadashaqeyn ay dhexmari weydo mas’uuliyiinta sare sare ee dowladda kmg, haddana khilaafkan wuxuu ugu dambeeyaa kuwo ay dowladdu ka dhaqaaqi weyday tan iyo intii la unkay.

Sida ka muuqata labada warsaxaafadeed ee ka soo kala baxay xafiiska madaxweynaha iyo kan guddoomiyaha baarlamaanka, khilaafka wuxuu gaarsiisan yahay halkii ugu sarreysay.

Labada dhinacba waxay isku hayaan qaabka codka kalsoonida loogu qaadayo ra’iisal wasaaraha cusub ee uu dhowaan madaxweynuhu soo magacaabay.
20-kii bishan, markii ugu horeysay ee baarlamaanka la horkeenay ra’iisal wasaaraha cusub waxaa suurtoobi weyday in codka loo qaado, ka dib markii labo mooshin oo iska soo horjeeda halkaasi la keenay, kaasoo midna dalbaya in codka gacantaag laga dhigo halka midka kalena uu dalbanayo in codka laga dhigo habka qarsoodiga.

Arrintaasi ayaa buuq iyo sawaxan dhalisay, dabadeedna guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku dhowaaqay in shirku uu xiran yahay, codkana laga dhigi doono habka qarsoodiga ah.

Haddaba war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa ku tilmaamay sharci darro mooshinka ay xildhibaanada qeybtood ku doonayaan in codka qarsoodi laga dhigo, kuna eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka inuu u hogaansami waayay axdiga kmg ah, si ula kac ahna isaga indho tiray ayaa lagu yiri war saxaafadeedka dhaqanka soo jireenka ah ee inaan la is hortaagin ra’iisal wasaaraha isagoon shaqada bilaabin.

Warsaxaafadeedka xafiiska madaxweynaha waxaa kaloo lagu sheegay in madaxweynuhu uu ugu baaqayo guddoomiyaha baarlamaanka inuu ilaaliyo sharciga isna hortaagin xildhibaanada baarlamaanka si ay u gutaan waajibaadkooda.

Saacado ka dib war saxaafadeed jawaab u ah kan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa laga soo saaray xafiiska guddomiyaha baarlamaanka, kaasoo lagu sheegay in dhowrista shuruucda dalka ay tahay waajib muqadas ah oo ay ka weyn tahay rabitaan iyo ujeedooyin gaar ah.

Waxaa war saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu uu gutay xilkiisa magacaabista ra’iisal wasaaraha, waxaana madaxweynaha ka codsaneyaa ayaa lagu yiri war saxaafadeedka inuu baarlamaanka uga haro waajibkiisa dastuuriga ah, kana daayo cadaadiska iyo faragelinta.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa war saxaafadeedkiisa sheegay in codka kalsoonida loo qaadi doono ra’iisal wasaaraha cusub hab qarsoodi ah, maalinta arbacada ee soo socota. Iyadoona Amisom loogu baaqay inay ammaanka xaqiijiso, maadaama ay jiri karaan mu’aamarado dhanka ammaanka ah. Sida war saxaafadeedka lagu yiri.

Hadabada labada war saxaafadeed ee iska soo horjeeda waxay kala cuskanayaan qodobo ku xusan dastuurka iyo xeer hooseedka.

XS
SM
MD
LG