Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Dibadbaxyada oo weli ka sii socda


Masar: Dibadbaxyada oo weli ka sii socda
Masar: Dibadbaxyada oo weli ka sii socda

Tirada dadka dibad baxyada dhigayay ayaa Marba marka ka Dambeeysa kor u sii kaceeysay todobaadkii dalka Masar

Kumanaan kun oo dibad baxayaal reer masar ah ayaa jimcihii Shalay isugu soo ururay Fagaaraha Taxriir Square ee Magaalada Qaahira, halkaas oo ay sii adkeeynayeen dalabkooda ku wajahan Soo Afjaridda Xukunka Milatary ee dalkaasi gacanta ku haya, Iyadoo ay jirto in Milatariga ay soo magacaabeen Ra’isul wasaare Cusub.

Tirada dadka dibad baxyada dhigayay ayaa Marba marka ka Dambeeysa kor u sii kaceeysay todobaadkii la soo dhaafay, in Kastoo ay jireen tanasulaadyo dhowr ah oo ay ku dhawaaqeen Hogaamiyeyaasha golaha milatariga.

Ugu yaraan 41 qof ayaa lagu dilay isku dhacyo lala xiriiriyay dibad- baxyada ashtakada ah, oo ka dhacay meelo kala duwan oo dalkaasi masar ah.

Degenaansho la’aanta ayaa ku soo beegmeeysa, iyadoo dalka Masar, uu isu diyaarinayo bilaabashada Doorasho Baarlamaani ah, Maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Waxeey noqon doontaa codeeyntii ugu horeeysay tan iyo markii kacdoon shacab xukunka looga tuuray, Madaxweenihii hore Xusni Mubarak Bishii February ee sanadkan

XS
SM
MD
LG