Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markabkii Saliida siday oo la sii daayay


Markabkii Saliida siday oo la sii daayay
Markabkii Saliida siday oo la sii daayay

Burcad-badeedda Soomaaliya ayaa siidayay markabkii saliida siday ee Greek, maalin kadib markii la siidayay lacag madaxfursho dhan 5.5 Million

Burcad-badeedda Somaalida ayaa sii daayay markabkii Saliida siday ee calanka Greek watay iyo 28 shaqaale ee saarnaa maalin kadib markii lacag madax furasho ah la bixiyay

laba Kooxoood oo burcad- badeed oo iska soo horjeeda ayaa isku haystay sidii loo qeybsan lahaa lacagta madax-furashada ah ee markabka laga qaatay.

Burcad-badeed oo ka soo jeeda magaalada Harardheere ayaa ka codsanayay burcad-badeed ka soo jeeda Puntland in lacagta madaxfurasha ay qeybtooda ka helaan. ma cada heshiiska ay labada dhinac wada gaareen.

Diyaarad ayaa lacagta madaxfurshada ah ku dul-daadisay markabka ay burcad-badeeda heystaan ee Maran Centaurust , lacagtaasi oo la soo wariyaya inay u dhaxeyso 5.5 iyo 7 malyuun oo dollar,

laakiin dagaal iyo muran ka dhex-dhashay labada kooxood ee burcad-badeeda ayaa halis galisay dhamaystiro siidaynta markabkaasi iyo shaqaalihiisii saarnaa.

XS
SM
MD
LG