Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab lagu Qabsaday Gacanka Cadmeed


Burcad-badeedda Soomaalida ayaa qabsaday markab kuwa shixnaddaha qaada oo marayay biyaha badda gacanka Cadmeed.

Warbixintan ka soo baxday ciidamada Midawga Yurub ee qaabilsan la dagalaanka burcad-badeedda Somaalida ayaa sheeggay in markab la yiraahdo MV Syrian Star lagu qabsaday biyaha badda gacanka cadmeed.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in markabkan oo ay sonkori ku rarnayd ay saaran yihiin 22 qof oo shaqaale ah oo u dhashay dalka Suuriya iyo laba qof oo ay dhalshadoodu Masaari tahay.

Ciidamada midawga Yurub waxay sheegeen in ay diyaarad helocopter ah ay u direen markabkan oo baddaha ku marayay calanka St. Vincent iyo Grenadines-flagged ship.

Ciidamadu waxay sheegeen in ay soo heleen doonidii ay burcad-badeedu wateen oo laga tagay iyada oo ay saran yihiin shidaal iyo hub

Burcad-badeedda ayaa la sheegayaa inay diideen dhagaysiga fariin ama xidhiidh dhinaca isgaarsiinta ah oo lala sameeyay, waxaana la sheegayaa in markabkaasi ay haatan u sii wataan dhinacaas iyo Somalai.

XS
SM
MD
LG