Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeeda ayaa sheegay in kooxo burcadbadeed ay ay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ka afduubteen markab laga laga leeyahay dalka Liberia.
Ciidamadaasi hawlgalka ee loo yaqaan EU NAVFOR Somalia ayaa sheegay in markabka MV Polar oo ah nooca shidaalka qaada lagu weeraray sabtidii maanta meel qiyaastii 1,100 km u jirta xeebta jasiiradda Suqadhra ee Badda Arabian.
Midowga Yurub ayaa sheegay in mulkiilaha markabka uu xaqiijiyay in burcadbadeedu ay gacanta ku dhigtay markabkiisa, kaasoo siday 73,000 oo ton contenaro ah iyo 16 shaqaale u kala dhashay Philippines, Montenegro, Greece iyo Romania.