Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab lagu Afduubtay Xeebaha Ka baxsan Soomaaliya

Markab lagu Afduubtay Xeebaha Ka baxsan Soomaaliya
Markab lagu Afduubtay Xeebaha Ka baxsan Soomaaliya

Markabka la afduubtay MV Polar oo ah nooca shidaalka qaada waxaa laga leeyahay dalka Liberia, waxana la socday 16 shaqaale ah.

Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeeda ayaa sheegay in kooxo burcadbadeed ay ay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya ka afduubteen markab laga laga leeyahay dalka Liberia.

Ciidamadaasi hawlgalka ee loo yaqaan EU NAVFOR Somalia ayaa sheegay in markabka MV Polar oo ah nooca shidaalka qaada lagu weeraray sabtidii maanta meel qiyaastii 1,100 km u jirta xeebta jasiiradda Suqadhra ee Badda Arabian.

Midowga Yurub ayaa sheegay in mulkiilaha markabka uu xaqiijiyay in burcadbadeedu ay gacanta ku dhigtay markabkiisa, kaasoo siday 73,000 oo ton contenaro ah iyo 16 shaqaale u kala dhashay Philippines, Montenegro, Greece iyo Romania.

This item is part of
XS
SM
MD
LG