Jilib —
War-saxaafadeed uu soo saarey Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah, 17-kii Bishan December lala beegsadey kooxda Al-Shabaab, meel ku dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Sida lagu sheegay qoraalka, waxaa weerarka lagu dilay mid ka mid ah xubnaha Al-Shabaab ee deegaankaasi, mana jirto wax khasaare ah oo dadka shacabka kasoo gaaray weerarka.
Howlgalkaasi duqeynta ah ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo tan Mareykannka.
Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo kale oo lagu wiiqayo kooxda Al-Shabaab ee carqaladda ku ah nabadda iyo horumarka Soomaaliya.
Madal