Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Masar kala Baxaya Muwaadiniintiisa


Maraykanka oo Masar kala Baxaya Muwaadiniintiisa
Maraykanka oo Masar kala Baxaya Muwaadiniintiisa

Safaaradda Maraykanka ee dalka Masar ayaa ku wargelisay muwaadiniinta Maraykanka inay ka fiirsadaan inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dalkaasi.

Ugu yaraan 34 xubnood oo ka tirsan xisbiga siyaasiga ah ee laga mamnuucay dalka Masar ee Ikhwaanul-Muslimiin ayaa ka baxsaday xabsi ay ku xirnaayeen Axadda Maanta, ka dib markii ay dad mudaaharaadayaal ihi ka xoog bateen ilaaladii xabsiga.

Afhayeen u hadlay xisbigaasi ayaa maanta shaaciyay baxsashada xubnahaasi.

Xubno badan oo Ikhwaanul-Muslimiin ah ayaa laga sii daayay xabsiga maalmihii ay kumaanka kun mudaaharaadayaasha ahi ay gilgileen magaalooyinka Qaahira, Alexandria iyo Suez.

Maanta oo axad ah ayay mudaaharaadayaashu isugu soo urureen fagaarayaasha si ay u sii wadaan mudaaharaadka ka dhanka ah dowladda Maxamed Xusni Mubaarak.

Waddooyinka magaalooyinka dalkaasi Masar waxaa ku sugan ciidamo tiro badan oo military ah si ay u ilaaliyaan hantida guud iyo midda gaarka ah.
Rabshadaha dalkaasi waxaa ku dhintay inka badan 100 qof, dad lagu qiyaasay 1,000 kalena ay ku dhaawacmeen.

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Masar ayaa amar ku bixiyay in la xiro xafiiska telefishanka Aljazeera ee magaalada Qaahira, iyagoo ku eedeeyay Aljazeera inay si ka badbadis u baahisay rabshadaha dalkaasi.

Hase yeeshee Aljazeera ayaa ku gacanseyrtay eedeeyntaasi, iyadoo ku tilmaamtay go’aankaasi “Afqabad iyo cadaadin” ka dhan ah warbaahinta furan ee xorta ah.

Dhanka kale dalalka caalamka qaarkood ayaa walaac ka muujiyay xiisadaha ka sii daraya ee dalka Masar.

Dalalka Maraykanka iyo Turkey ayaa sheegay inay bilaabi doonaan inay muwaadiniintooda ka soo daadgureeyaan dalka Masar.

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Qaahira iyo wakaaladda wararka ee dalka Turkiga ee Anatolia ayaa labaduba ogeysiiskaasi bixiyay maanta oo Axad ah.

Gelinkii hore ee maanta dowladda Maraykanka ayaa ku boorisay muwaadiniinteeda inay ku tashadaan inay sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan ay uga baxaan dalkaasi.

Dhanka kale, ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay si taxadar leh ay ula socoto mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda Masar, wuxuuna sheegay in dalkiisu uu ku dadaalayo joogtaynta deganaansha iyo ammaanka gobolka.

Hadalkan uu Mr. Netanyahu jeediyay ayaa ku soo beegmay iyadoo ay maalintii lixaad galeen mudaaharaadyada ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar.

Masar ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee Israa’iil ay ku leedahay dunida carabta. Wuxuuna dalkaasi qeyb weyn ka ciyaaraa dhex dhexaadinta khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Boqorka dalka Sacuudiga ayaa dhalleeceeyay dadka mudaaharaadka sameynaya, Madaxweyne Obamana waxa uu ugu baaqay Mr. Mubarak in uu fuliyo isbedeladii uu ballan qaaday.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iran ayaa ku baaqay in madaxda masaaridu ay fuliyaan waxa ay xaqa u leeyihiin shacabka ayna ka hortagaan inay xoog u adeegsadaan.

Halkan ka dhageyso


Dhanka Kale, Maxaabiis ka tirsan Xisbiga dalkaasi laga mamnuucay ee Ikhwaanul-Muslimiin ayaa xabsiga ka baxsaday.

Dalalka Maraykanka, Sacuud Arabia, iyo Iran ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xiisadaha ka jira dalka Masar.

Halkan ka dhageyso

XS
SM
MD
LG