Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo ka Hadlay Xaaladda Somalia


Maraykanka oo ka Hadlay Xaaladda Somalia
Maraykanka oo ka Hadlay Xaaladda Somalia

Maraykanka ayaa ka hadlay xaalada murugsan ee dalka Soomaaliya gaar ahaan khalkhalka siyaasadeed ee beryahan ka dhex jiray DKMG, iyo kala dirista Xuukuumadda.

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay kaga hadashay khalkhalka siyaasadeed ee dhowaan ka dhex jiray mas’uuliyiinta dowladda kmg ah.

Safaaradda ayaa war saxaafadeedkeeda ku sheegtay in dowladda Maraykanka ay isha ku haysay muranka siyaasadeed ee jiray, isla markaana ay u aragto in dowladda kmg ah ubaahan tahay midnimo.

Safaaraddu waxay war saxaafadeedkeeda sidoo kale ku sheegtay in Maraykanka uu sii wadi doono taageerida dowladda kmg ah si ay uga dhabeyso heshiiskii Jabuuti lagu gaaray isla markaana ay ugu baaqeyso dowladda inay iyana dhinaceeda ka hortagto musuqmaasuqa iyo danaha gaarka ah.

Iyadoona sidoo kale ku boorisay siyaasiyiinta Soomaalida in laga wadashaqeeyo sidii loo heli lahaa amni buuxa loogana hortegi lahaa cid kasta oo isku dayda inay burburiso heshiiskii Jabuuti.

XS
SM
MD
LG