Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Ka Digay Amniga Dalka Kenya


Maraykanka oo Ka Digay Amniga Dalka Kenya
Maraykanka oo Ka Digay Amniga Dalka Kenya

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inaanay ku dhex safrin, kana qeybgelin xafladaha dalka Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkan Maraykanka ayaa soo saartay warbixin ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay ku dhex safraan gudaha Kenya, sababo la xiriira dhanka ammaanka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in argagixisada ku sugan Bariga Afrika ay khatar ku yihiin ammaanka muwaadiniinta Maraykanka iyo dadka kale ee shisheeyaha ahiba.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkan Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay in kooxaha argagixisada ahi ay geysan karaan weeraro ay ku jiri karaan qaraxyo, sidaasi darteed ay uga digayso muwaadinteeda inaysan tegin goobaha isu imaatinka, aysanna ka qeybgelin kulamada iyo xafladaha dalka Kenya ka dhacaya.

Kooxda al-Shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya waxay sheegatay weerar horey uga dhacay dalka Uganda, kaasoo lagu dinay inka badan 70 qof.

Qaraxyadii 1998-dii loo geystay safaaradaha Maraykanka ee Naribi iyo Darasalam waxaa Maraykanku uu aamisan yahay in shakhsiyaadkii ka dambeeyay weeraradaasi ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha Soomaaliya.

Digniintan Maraykanka uu ka soo saaray dalka Kenya waxay soo baaxday maalin ka hor bilashada sanadka cusub ee 2011.

XS
SM
MD
LG