Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo $120 Million Siinaya Geeska Afrika


Maraykanka ayaa lacag dheeraad ah oo gaadhaysa 120 malyuun oo Dollar siinaya howlaha gar-gaarka bini'aadanimo ee loogu talagalay geeska Afrika.

Waa markii labaad ee bishan gudaheeda ee Maraykanku uu ku dhawaaqo inuu gar-gaar siinayo geeska Afria. 5-tii bishan ayuu Maraykanku ku yaboohay 50 malyuun oo Dolllar.

Aqalka Cad ayaa sheegay in gar-gaarkan cusub loogu talagalay in looga hor-tago in dhibaato dhinca cuntada ah ay ka dhacdo, Ethiopia, Kenya iyo Somaaliya.

Aqalka Cad wuxuu sheegay in roob yaraan gobolka ka jirta la filayo inay saameyn weyn ku yeelato wax-soosaarka miraha.

Sannadkii hore, Geeska Afrika ayaa waxaa ku dhuftay abaar aad u baaxad weyn oo xaalad macluul ah ka dhalisay qeybo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

Kumanaan Soomaali ah ayaa dhintay in kabadan tobbanaan kun oo kale u qaxay xeryo ku yaalla Muqdisho iyo xeryaha qaxootiga ee Kenya iyo Ethipia, iyago markaasi raadinaya cunto iyo biyo

Maraykanka ayaa sheegay inay hore u bixiyeen in kabadan 1.1 billion oo loogu talagalay gar-gaarka bini’aadanimo ee Geeska Afrika tan iyo markii mashaqada abaartu bilaabatay bilowgii 2011

XS
SM
MD
LG