Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester United oo Shaqada Ka Ceyrisay Van Gaal


Van Gaal
Van Gaal

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa shaqada ka ceyrisay tababare Louis van Gaal, waxana la filayaa in lagu beddelo macallinkii hore ee kooxda Chelsea Jose Mourinho.

Tababaraha reer Holland ayaa shaqada ka tagaya isaga dhameystay laba sano oo ka mid ah qandaraas saddex sano ah oo uu kooxda la galay.

Guushii ay kooxda Manchester United ka gaartay kooxd Crystal Palace oo ay ku hanatay koobka FA sabtidii, ayaa ahayd kulankii ugu dambeeyey ee macallin Van Gaal uu leyliyo naadiga Old Trafford.

Magacaabista macallin Mourinho ayaa la filayaa in kooxda Manchester United ay xaqiijiso kadib marka uu kulan la yeeshay mas’uuliyiinta sare ee kooxda maalinta talaadada ah.

Van Gaal, ayaa sida la rumeyan yahay xilka ku waayey markii kooxda Manchester United ay ku dhameysatay kaalinta shanaad ee horyalaka Premier League, islamrkaana usoo bixi weydyay cayaraaha koobka horyaalada Yurub.

XS
SM
MD
LG